Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web


qisooyinkaan hadaad u fiirsato wax badan ayaad ka qaadankartaa akhris wacan

suaala diin& jwabahooda | geeraaro jaceyl | sawirada amiin | qisooyin diini ah | qisooyin layaab leh | XIRIIRO | nashiido

qisooyinkaa waa amaakaak iyo layaab
  Qiso Gaaban oo Cajiib ah oo Dhex Martay Nin Muslim ah iyo Nin Yahuud ah.   
saturday, 03 May 2010 12:33
Qiso Cajiib ah: Maalin ayaa waxaa nin Yahuud ah ka lumay fargashi dahab ah, oo qaali ah. Waxaa helay nin Muslim ah, meel  ayuuna dhigay. Kadib markuu ogaaday inuu nin Yahuud iska leeyahay faraantiga qaaliga ah ayuu ninkii soo doonay Yahudiidigii, siiyayna faraantigisii.

Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa waydiiyay Muslimka inuu ogyahay qiimaha uu ku fadhiyo faraantiga. Haa ayuu ku jawaabay. Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa Muslimka ku yiri, ‘balse faqiir ayaad tahay’, waan ogahay ayuu Muslimka ku jawaabay.

Yahuudkii ayaa hadana Muslimka ku yiri: “Ma ogtahay hadaad gadan lahayd faraantigan, inaad noloshaada ka bixi lahayd faqri?”

Haa ayuu ku jawaabay hadana.

Yahuudigii ayaa yiri hadana: “Maskaxdaada masoo gashay inaad gadato faraantigan maadaamo nin Yahuudi ah uu leeyahay”?

Maxaa keenay inaan saas u fikiro ayuu ku jawaabay Muslimkii.

Hadaba maxaa kugu keenay inaad faraantigan ii keento aniga oonan ogayn inaad adiga haysid, ayuu Yahuudigii waydiiyay ninkii Muslimka ahaa.

Muslimkii ayaa ku jawaabay:


“Maalin Qiyaama ah inay jirto ayaan aaminsanahay.

Maalinta Qiyaamo nabigayga oo Muxammad ah (NNKH) iyo nabigaada Musa (CS) ayaa is garab fariisan doono. Waxaad u dan sheegan doontaa nabigaada adiga oo ku calaacalayo inuu nin Ummatu Muxammad ah kaa xaday alaab. Nabigaada ayaa u dan sheegan doono nabigayga, nabigaygana markaas jawaab uma heli doono arintaas.

Sidaasi darteed ayaan kuugu keenay, si aan maalinta Qiyaamo u ilaaliyo xurmada Nabigayga (NNKH).
hadaba waxaan kaqaadaneynaa qisadaan arin muhiim ah gaar ahaan soomalideena tagtey qurbaha waalaalayaal waxaad ogaataa in aad tahey nafsaad ahaantaada caalaamad hadaad wanaagsanaato wanaajinaya una ifinaya gaalada diinta islaamka ee wanaagsan ogow adigoo xumaada ayaa sawab uu qof soo hanuuni rabe kusii fogaado unoqankaraa walaalka muslinka ahoo amaanda kudaadaal guud ahaan kula dhaqan sifa wanaagsan dadka aad lanooshaha sifooyinkii nabiga (s.c.w) ee lagu yaqaane waxaa kamid ahaa amaanada runta samadoonimada alaaha naga wada dhigo dhamaanteen kuwa alle raali kanoqdo.


Maxamed amiin c/qaadir cumar  (amiin wadani)
Email:
wadani2012@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


                   2; QISA KALE OO CAJIIB AH

qisooyinkan ayaan waxaan kasoo qaatay muxaadirooyin kala duwan waxaan jeclahay in aynu kaheli doono xiiso iyo weliba in ay tusaale inoo noqdaan qisada ugu horeesa ee aan rabo in aan ku bilaabo waa sidan
asxaabi ayaa maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu u adkaysan waayay gaajo kadib wuxuu usoo baxay suuqa iyadoo ay gaajo dabada kariixayso kadib markii uu suuqa in cabaar ah marmaraayay ayuu wuxuu helay kiish ay kujirto silsilad luul ah oo aad uculus aad ayuu ufarxay asxaabigii wuxuuna soo qaatay kiishkii wuxuuna keenay gurigiisii daqiiqado kadib ayuu banaankii ubaxay saa wuxuu arkay oday duq ah oo ordaayay oo ku qaylinaya waryaa kiish arkay war yaa kiish arkay warcidii argtay waxaan siinayaa 500 oo dirham asxaabigii ayaa waxa uu istusay in uu luulkan ubaahanyahay maadaaba uu faqiir yahay lacag badan uu ku helayaayo oo aad ubadan kadib ayuu wuxuu is tusay war xaraan ayay noqonaysaa ee 500 boqol oo dirhan iska qaado oo baahiday iskaga tir kadib wuxuu udhawaaqay odaygii wuxuuna ku dhahay ina keen anaa kiish haye wuu kaxeeyyay intii uu jidka sii socday ayuu is tusay oo maad 5000 boqolna ilaahay dartii ula baxdid oadaygii ayuu sualay kiishka kaamaqan waa noocee maxaase ku jiray odaygii ayaa sheegay kiishkii iyo wax ku jiray kadib ayuu ku dhahay waa kan kiish kaagii ee qabso markii odaygii uu damcay in uu siiyo 500 ayuu ku dhahay maya maqaadanaayo ilahay ayaan wax wanaagsan karajay nayaa odaygii dhowr jeer ayuu kusoo celceliyay in uu qaato laakiinse kama uusan aqbalin in mudo ah kadib ayaa asxaabigii wuxuu raacay doon kadibna doontii ayaa xumaatay kadib dhamaan dadkii saarna doonta way dhinteen asxaabigii ayaa kasoo hadhay isagoo dulheeheebayay alwaax doonta kajabay alwaaxii wuxuu saarna maalin iyo maalin badhkeed kadib alwaxii ayaa wuxuu kusoo caariday xeeb taas oo ay ku noolyihiin dad muslim ah asxaabigii masaajidka ayuu soo abaaray halkii ayuu quraan ku akhristay isagoo quraankii akhriyaya ayay dadkii maqleen wayna ku soo xoomeen waxayna usheegeen in ay la aayeen cid quranka barta waxayna ka codsadeen in uu quraanka baro wuuna yeelay halkii ayuu taclin ka bilaabay waxayna mudo kadib usheegeen dadkii in uu iskala joogo oo ay gabadh u guuriyaan waxay usheegeen in ay rabaan in ay uguuriyaan gabadh agoon ah oo xogaa yar haysata wuu diiday hasa ahaateen way ku khasbeen in uu gabadhaa guursado kadib wuu aqbalay markii asxaabigii gabadhii losoo gelbiyay oo loosoo guri galiyay ayaa mise gabadhu waxay xidhantahay silsiladii uu berigii helay ee luulka ahayd asxaabigii waxa uu markaliya kajeesanwaayay gabadha luqunteedii dadkii gabadha soo gelbiyay waxay kala garanwaayeen in uu macalinku fiirinaayo gabadha luqunteeda iyo in uu fiirinaayo silsilada waayo mudo 10 daqiiqo kudhow ayuu markaliya kajeesanwaayay gabadha luqunteeda mid kamid ah dadkii gabadha soo gelbiyay ayaa waydiiyay asxaabigii macalin waad naga yaabisaye maxaad fiirinaysaa asxabigii ayaa dhahay silsiladan ayaan fiirinaaya oo aan beri helay kadib sheegadii ayuu kasheekeeyay kadib dadkii ayaa ku dhawaaqay alaahu akibar waxayna sheegeen in gabadha aabeheed uu dhihi jiray silsiladan ayaa intay iga luntay ayaa nin muumin ah ayaa ii helay ilahay waxaan kabaryayaa in uu ninkaa nakulansiiyo gabadhayda ayaan uguurinlahaaaye isagoo sidaa dhahaya ayuu dhintay gabadhii uu dhihijaray waan guurinayaana waatan caawa arooska kuu ah iyada iyo silsiladiiba markaa gabadha waxaa dhalay oadaygii uu asxaabigu uhelay silsilada gabadhii asxaabigii 2 carruur ah ayay udhashay kadibna way gooriyootay labadii carruurta ahaana waa geeriyoodeen ninkii silsiladii ayaa soo hadhay wuxuuna kamid noqday taajiriintii reer makka.

Qisadaan waxaan kaqaadaneynaa wanaaga baadi celinta iyo alla dartii xoolaha loga tago in allaah dib kuu dhaxaliin doono.

 



qisadan kalana waxay kadhacday wadanka sucuudiga maalin ayaa wiil dhalinyaro ah oo wadaad ah wuxuu arkay wiil kale oo dhalinyaraa oo gabadh dabasocda oo daandaansi ku wada iyo hadalo aan fiicnayn kada dhahaaya wiilkii wadaadka ahaa wuxuu is tusay bal in uu wiilka wax usheego kadib wuxuu uyeedhay wiilkii wiilkii wuxuu umaleeyay qaybta anshaxa ee ciidanka sucuudiga wuu uyimid isagoo isleh maanta waa lagu hayaa wuxuuna wiilkii wadaadka ahaa usheegay in uusan ahayn askari wuxuu halkii ugu qabtay wacdi kaas oo soconaayay mudo 30 daqiiqaa wacdigaa oo ku saabsanaaa geerida wiilka dhalinyarada ahaa waa ilmeeyay wuxuuna sualay macaasi badan ayaan sameeyay ee ilahay ma ii adanbi dhaafayaa wiilkii wadaadka ahaa ayaa dhahay haa ee ilaahay bari in badan waxaanad badisaa salaadaha sunaha ah wiilkii wadaadka ahaa iyo wiilkii kale sifiican ayay isku barteen waxayna kala qaateen taleefanadii labo week kadib ayuu willkii wadaadka ahaa wacay xiliga loo kaco salaada subax isagoo raba in uu salaamo salaadana utoosiyo kadib wilkii ayaa telefonkii kaqabtay waxyna is bariidiyeen kadib wiilkii ilahay soo hadeeyay ayaa wuxuu dhahay labadii week ee udanbeeyay waan dadaalay meel wacan ayay cibaadadu iimaraysaa wiilkii wadadka ahaa ayaa ku dhahay maansha allah waxaan raba in aynu kulano waxay balameen salaada casar kadib wiilkii wadaadka ahaa ayaa xiligii salaadii sacar waxaa soo booqday dad martiya kadibna wuu daahay salaadii makhrib kadib ayuu is dhahay war masoo booqataa mise waad iska daysaa kadib wuxuu is tusay in uu balanta oofiyo oo uu soo booqdo wuxuuna aaday gurigoodii oo uu tilmaan uu siiyay uu ku hayay gurigii ayuu gargaracay waxana kafuray oday duq ah oo cadhaysan wuu salaamay salaantii ayuu karidiyay wuxuu kudhahay hebel majoogaa wuu ku dhahay hadda waa ainiga ciidiisi iska maydhaya mardhawayd ayaan soo aasnay oo sowkii galabta ila hadlayay waa runtaa laakiin salaadii jimce ee duhur sujuudii udanbaysay ayuu soo toosiwaayay markii salaada laga baxayna mise waaba mayd sidii ayaan hadda kusoo aasnay odaygii ayaa yiri wiilkaygu wuxuu ahaa wiil aan wanaagsanayn labadii week ee udanbeeyay ayuu soo hagaagsamay oo uu badhiyay salaatu layl iyo quraan .

masha allah qaatimadii willkaas allah wuu wanaajiye qisadaan waxaan kaqaadaneynaa 2 arin 1:wanaaga waanada in ay wanaagsantahay latalinta walaalkaaga muslinka ah 2:in talada laguu sheego in laqaato ay wanaagsantahey oo aadan madax adeegin ogow waxaa lagayaabaa in uu waqtigaagu soo dhawyahe waalalka muslinka ahoo ama walaasha muslimada aheey dhalinyaranimada yeeysan idinlatagin salaadaha kudaadaala waxaad kataxadirtaan fidnada dhalinyaranimada gaar ahaan raga fidnada haweenka kafogaada allaah ha inaga dhigo kuwa wanaaga maqla kuna dhaqmo